Deeq A. Posted March 28, 2020 Muqdisho (SMN) – Milatariga Soomaaliya ayaa lagu waramay in degaano iyo degmooyin dhaca gobolka Shabeellaha Hoose ay ka wadaan howlgalo. Dhaqdhaqaaqyadda ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga socdaan nawaaxiga Qoryooley, Janaale iyo Afgooye ee gobolkaas. Mustaf Maxamed, oo ka tirsan ciidamada, ayaa shaaca ka qaadey in ay dhaqdhaqaaqyaddaas ay ku beegsanayaan Al-Shabaab. Wareysi gaar ah oo uu siiyey Shabelle ayuu ugu baaqay dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay dardargeliyaan howlgaladda badan ee socda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shabeelle.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites