Deeq A. Posted March 28, 2020 Dowladda Soomaaliya ayaa in ka badan 20 dhaqaatiir ah oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda u direysa Talyaaniga, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Covid19. Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in dhaqaatiir mutadawiciin ah oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo dirayo dalka Talyaaniga oo haatan la daala dhacaya cudurka Coronavirus. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in dhaqaatiirtaan ay iska diiwaan-geliyeen safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, islamarkaana ay dhawaan dalkaasi tagi doonaan. Ugu dambeyn sarkaalka u hadlay dowladda ayaa tilmaamay in dhaqaatiirta ka tirsan Jaamacadda Ummadda ee loo dirayo Talyaaniga ay jawaab u tahay codsi ka yimid dowladda Talyaaniga oo ahaa in dalalka caalamka ay garab ku siiyaan la dagaalanka caabuqa Corona. Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada reer Yurub ee uu saameynta xoogan ku yeeshay cudurkaan oo asal ahaan Shiinaha ka dilaacay, bishii December sanadkii hore 2019-kii. View the full article Share this post Link to post Share on other sites