Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo qofkii saddexaad laga helay Corona

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in qofkii saddexaad laga helay caabuqa Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay in ruuxaas uu kamid yahay howlwadeenada xerada Xalane.

Warbixintaas ayay shaaca ka qaadey in loosoo gudbiyey habeenimadii xalay. Wareysi ay siisay Telefinka Qaranka ayay ku shaacisay.

Ruuxa ajanbiga ah ee laga helay caabuqaas ayay tilmaamtay in uu soo maray wadamo kala duwan oo xanuunkaas uu saameeyay.

Dhanka kale, xafiiska Qaramada Midoobay ayaa shaaciyey in shaqsigaas uu iyaga ka tirsanaa uuna yahay qandaraasle ganacsi.

Qof oo ay wada kulmeen ayay sheegtay in ay su’aallo waydiinayaa xili bukaanka uu ku jirro todoba sideed maalmood oo karan-tiil ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this