Deeq A. Posted March 27, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in qofkii saddexaad laga helay caabuqa Coronavirus. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay in ruuxaas uu kamid yahay howlwadeenada xerada Xalane. Warbixintaas ayay shaaca ka qaadey in loosoo gudbiyey habeenimadii xalay. Wareysi ay siisay Telefinka Qaranka ayay ku shaacisay. Ruuxa ajanbiga ah ee laga helay caabuqaas ayay tilmaamtay in uu soo maray wadamo kala duwan oo xanuunkaas uu saameeyay. Dhanka kale, xafiiska Qaramada Midoobay ayaa shaaciyey in shaqsigaas uu iyaga ka tirsanaa uuna yahay qandaraasle ganacsi. Qof oo ay wada kulmeen ayay sheegtay in ay su’aallo waydiinayaa xili bukaanka uu ku jirro todoba sideed maalmood oo karan-tiil ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites