Sign in to follow this  
Deeq A.

Mulkiile Diiday In Hoteelkiisa Lagu Karantiilo Dad Looga Shakiyay Xanuunka Corona Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Milkiilaha  Hoteelka Sky  oo ku yaalla Xaafadda Maslaha ee magaalada Hargeysa kadib markii uu diiday in lagu Karaantiilo Hoteelkiisa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka yimi dalalka Dibeddiisa.

Wararka ayaa sheegaya in guddiga u diyaargaroowga caabuqa Corona ay u yimaadeen Mulkiilaha hoteelka Axmed Odowaa kadibna ay ka dalbadeen in hoteelka lagu Karantiilo dadkan oo keentay in uu ka biyo-diiday kadibna xabsiga ay u taxaabeen ciidammada isaga iyo Xaaskiisa.

Dadka ay ka dalbadeen guddiga mulkiilaha hoteelka in lagu karantiilo ayaa la sheegay in ay yihiin qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda Itoobiyaan Airlines oo ka soo degtay magaalada Hargeysa.

Guddiga xukuumadda Somaliland ay u magacawday u diyaargaroega caabuqa Corona ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah tan iyo intii la magacaabay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this