Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo diyaarisay goobaha karan-tiilka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa  Maanta kormeer ku tagay Xarumo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan Xarumaha ay booqdeen  ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka Martiini iyo kuwo kale iyaga oo hadalo isugu jira wacyi gelin iyo dardaaran u jeediyey Shaqaalaha Caafimaadka ee ku sugan Xarumahaas.

Wasiirka ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono qeybaha burbursan ee isbitaalka Martiini si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa aan maanta booqasho ku tagnay Xarumaha caafimaad ee loo diyaarinayo bukaanada ay suuro galka tahay in looga shakiyo ama laga helo cudurka coronavirus Alle kuma keenee,waxaana ka mid ah Hospital Martiini oo aan dooneyno in aan dib-u-dhis ku sameyno qeybaha bur-bursan ee Hospitalka, sidoo kale waxa aan booqanay goobaha hadda diyaarsan ee Karantiilka loogu talagalay”ayuu yiri Wasiir Beyle.

90299325_1870732353060686_46913449529599 90341965_1870732019727386_24987850218930 90430172_1870732089727379_68584796053475 90527924_1870732306394024_42389312528260 90755518_1870731953060726_29135350457067 90945820_1870732843060637_51680410237958 91022275_1870732446394010_84425179269882 91032422_1870732546394000_50966770154366

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this