Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Deegaanka Raaskambooni Oo Qarax Miino Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubbada hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa  sheegaya in maanta qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi ee Cabdullaahi Diiriye

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay gaari uu la socday guddoomiyaha, halkaas ayuuna ku geeriyooday,  wararka ayaana intaas ku darayo inuu la geeridooday darawalkii gaari u waday.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka Raaskambooni sida wararka aan ku helayno guddoomiyaha ayaa ku sii jeeday beer ku taalla halkaasi kadibna waxaa haleelay qaraxa oo la galiyey waddada dhinaceeda.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku aaddan qaraxa maanta lagu dilay gudoomihii degmada Raaskambooni ee  gobolaka Jubbada hoose.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this