Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed oo la ansixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ajendaha kulanka mudanayaasha Baarlamanka waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga soo diyaarinaya doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa.

89 Xildhibaan ayaa kasoo qeyb galay kulanka kuwaas oo meel-mariyay Guddi ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada ka mid ah oo soo diyaarinaya  doorashada guddoonka oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo.

Mudanayaasha  cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay waxaana horyaalla shaqooyin kala  oo laga doonayo in ay qabtaan oo ay ugu horrayso doorashada Guddoonka Baarlamanka.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed oo la ansixiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this