Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad oo kulan xasaasi ah la qaatay Xaaf

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda XFS, Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee maamulkaasi.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa Yuusuf Garaad wuxuu sheegay inay uga wada hadleen isaga iyo Xaaf sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Gamudug.

“Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka”. ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in la caleema saaro madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku soo baxay doorashadii Dhuusamareeb.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this