Deeq A. Posted March 23, 2020 Muqdisho (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada, si looga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Corona Fayrus. Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay in ay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka. Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka dad laga fasaxo. Wadanka Kenya waxaa laga helay 17 qof oo qaba cudurka COVID 19. Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Marwo Faaduma Cabdullaahi Insaniye ayaa waxay ku dhawaaqday in adeegyadii ay Safaaraddu u haysay muwaadaniinta Soomaaliyeed ee ku nool Hindiya hakad la galiyay ka dib markii Ra”iisal Wasaaraha Hindiya uu ku dhawaaqay khatarta caabuqa coronavirus oo dalka Hindya ku faafaya, kana codsaday dadka inay is ilaaliyaan. Danjiraha ayaa ku wargelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Hindiya in shaqada safaaradda la hakin doono mudo labo usbuuc ah laga bilaabo 23-03-2020.iyadoo arrintaan looga gol leeyahay xakameynta isku gudbinta caabuqa Coronovirus (Covid-19). Ugu dambeyntii, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Marwo Faaduma Cabdullaahi Insaniye ayaa Bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Hindiya ka codsatay in ay taxadar xooggan muujiyaan aadna loogu tabaabusheysto xanuunkan caabuqa ee faraha kulul ku haya dunida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites