Deeq A. Posted March 23, 2020 Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay muran siyaasadeedka ku saleysan wabiga Nile ee u dhexeeya wadamada Masar iyo Itoobiya. Ugu horreyn wasiir Cawad ayaa ka warbixiyey safarkii dhawaan ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre uu ku tegay magaalada Addis Ababa iyo kulamadii uu la qaatay madaxda ugu sarreysa dalkaasi Itoobiya. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday go’aanka dowladda uga aadan xiisada Masar iyo Itoobiya , isagoo tilmaamay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid dhex-dhexaad ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/awad.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites