Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikhda dowladnimada – Qaybtii 8aad (Qaybtii ugu dambaysay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Guunaanad

Waxa aynu ka soo sheekaynay bilowgii ugu horreeyey ee aadanaha iyo maraaxishii siyaasadeed ee uu soo maray. Waxa aynu soo xusnay marxalad walba sida uu uga soo gudbay. Waxa aynu soo sheegnay unuggii ugu horreeyey ee dawladnimada iyo hanaqaadkeedii ba. Waxa aynu si waafiya u ifinay taxanaha taariikheed ee ay lahaayeen kuwa dawladaha wanaagsan dhidbay. Sidaas oo kale waxa aynu soo aragnay sababaha ay u hareen kuwii haray ee dawladnimada dhidbi waayey. Waxaa kale oo aynu soo aragnay kuwii dib u dhacay laakiin gadaal iska saxay.

Haddaba nuxurka qoraalkaani ma ahayn in aynu ka sheekayno taariikhada dawladnimada ee waxa uu ahaa in aynu wax ka barano, maadaama aynu kow ka nahay meelaha wali aan ka gudbin nidaamkii raacatada. Si aynu u ogaano halka aynu ka taagnay taariikhda dawladnimada intii uusan burburkii inagu dhicin iyo kobta aynu imminka taaganahay ba, waxaa lagama maarmaana in aynu taxanaha taariikhdeenna dib u jalleecno.

Si la mida qoomamka kale ee raacatada ah ayay Soomaalidu ahayd dad aysan xaddaaradda dawladnimadu marna si qumman gayigooda uga hirgalin. Marna dhulka Soomaalida guudkiisa kama hirgalin nidaam iyo awood dhexe oo wax maamushaayi ka hor xoriyad qaadkii. Xataa xilli ganacsiga xoog badani uu ka jirey xeebaha Soomaalida labo kun oo sano ka hor,dadkii ku noolaa marsooyinkii ganacsigaasi ka jirey waxay ahaayeen kuwo siyaasad ahaan u kala madax banaan. Xilli ku began bartamihii qarnigii koobaad ee dhalashadii Nabi Ciise ganacsade ahaa Romankii Masaarida oo safar ku maray xeebahaas waxa uu buuggiisa Peripluse of the erythereaen sea ku sheegay in ganacsigii xoogga lahaa ee marsooyinkaas ka jiray uusan kulansan nidaam dhexe oo siyaasiya oo marsooyinkaas ka dhexeeyay. Waxa uu yiri:  “Marsooyinkaan boqor ma wada xukumo laakiin marso walba waxay leedahay Jiifkeeda goonida ah”,  

Kun sano ka bacdi xilligii la qoray kitaabkaas aan kor ku xusnay, xaalku sidii hore waxba kama gaddisnay. Taariikhyahankii bad-mareenka ahaa ee Carbeed Mascuudi, markii uu tilmaamayey dhulka Soomaalida waxa uu ku tilmaamay “ dhulka u dhaxeeya Xabshida iyo Zinjiga, waxa uuna xusay in ay ahaayeen dad madow aan xaddaarad lahayn” Taariikhyahan Yaaquut Al-Xamawi oo noolaa qarnigii 12aad, waxa uu kitaabkiisa Mucjam Al-buldaan isna ku sheegay in Muqdisho ay ahay magaalo ay dagganaayeen “dad qalaad oo aan madoobayn”aanna lahayn nidaam dhexe oo dawladeed. Waxaa jiray ayuu yiri guddi odayaala oo iyagu xaalka gacanta ku hayay. Al-qaswiini oo isna noolaa qarnii 13aad waxa uu ayiday hadalka Yaaquut Al-Xamawi.

In kasta oo xilli dambe oo ku beegnaa qarnigii 14aad kolkii uu Ibn Batuuta Xamar booqday ay magaaladu lahayd nidaam dawladeed oo leh hoggaan, wasiiro iyo garsoor ba, haddana nidaamkaasi ma hayn mid sal-ballaaran ee waxa uu ahaa mid aan dhaafsiisnayn Magaalo-Dawladeed (City State). Waxaa jira dad ku xiriiriya suldaan Abu-Bakarkii uu ibn Batuuta Xamar kula kulmay dawladdii Ajuuraanka oo ahayd middii ugu waynayd wixii dawlad gayiga Soomaalida ka hirgalay. Ibnu Batuuta waxa uu kitaabkiisa Rixlada ku sheegay in Suldaanku uu ahaa “Barbar” oo ah magac ay Carabtu u taqaanay dadkii dagganaa Zaylac ilaa Xamar.

Saldanaddii Ajuuraanka ayaa ahayd midda awood ahaan iyo dhul ahaanba ugu itaalka badnayd nidaamyadii dalka ka hirgalay, iyada laftigeeduna sida uu qabo Lee Cassanelli, waxa ay ahayd mid ku koobnayd agagaarka shabeelooyinka iyo Xamar oo markii dambe ay wakiil uga ahaayeen qoyskii Mudafariyiinta. Si kastaba ha ahaatee marna nidaam dhexe oo siyaasadeed dalka kama hirgalin. Saldanadihii ka dambeeyey Ajuuraanka sida saldanaddii Baargaal, tii Galadiga iyo middii Hobyood ba intu ba waxa ay ahaayeen nidaamyo goobo gaara ku xaddidan oo aan ku fidsanayn dhulka intiisa kale. Waxa ay ahaayeen kuwo awood ahaan iyo muuqaal ahaanba aan ka gadisnayn kuwii qadiimka ahaa ee ay Aadanuhu yagleelay ka guurkii marxaladdii labaad ee qabaliga ee aynu soo xusnay.

Isku soo wada duuboo Soomaalidu inta aanu gumaystihii reer Yurub u imaan waxa ay u badnaayeen raacato aysan dawladi noloshooda meelna ka saamayn. Waxa aynu xorriyadda qaadanay inaga oo ah dhaqato reer guuraa ah oo dhaxalay wax-xoogaa nidaama oo gumaystihii laga inooga tagay. Dawladdeenii ugu horraysay ee dimuquraadiga ahayd iyo xeerkeenii raacatada ee soo jiraanka ahaa ayaa kolkaas si wanaagsan isu la falgalay. Waxa ugu wanaagsan ee ka soo baxayna waxa ay ahayd in xorriyadda muwaadinku ay lama taabtaan tahay.Taas oo salka ku haysey qaab dhaqanka labada nidaam (waa kan raacatada iyo midka dimuquraadiyadda) oo isku mid ka ah xagga xoriyaadka. Intaas wixii ka baxsanaa, wax inagu cusub oo barasho u baahan ayay ahaayeen, loomana kaadin ee waa la ina dhaafshay.

Kolkii uu kacaanku dalka qabsaday, waxa uu la yimid dardar dawalad-dhisid ah iyo nidaam dhexe oo adag. Laakiin mabaadidii hantiwadaagga iyo dhaqankii kali-talisnimada oo aan sina ula jaanqaadi karin xeerkii guunka ahaa ee raacatada ayaa aakhirkii dawladnimadii iyo karaamadii Soomaalida meesha ka saaray.

Si kastaba ha ahaatee soddon sano kabacdi, inaga oo aan wali dawladnimo taama salka u dhigin ayaa wixii aynu helnay inaga dumeen. Hadda waxa aynu taaganahay “yagleel ban ka abuura” oo ah marxaladdii rasmiga ahayd ee qabaliga. Waa marxaladdii aynu soo tilmaannay ee Aadanuhu shan kun oo sano ka hor ka gudbay. In kasta oo xilliga aynu noolnahay iyo qalfoofka dawladnimo ee inoo dhisanba ay casri yihiin, haddana waxa rasmigaa ee ay wax inoogu dul dhisanyihihiin waa nidaamkii qabaliga ahaa. Tiirarka aynu dawladda ku dul dhisnay waa tiirar qabiil oo ah 4.5. Qaabka aynu wax u doorannaana waa hab qabiil.

Maadaama aynu wali marxaladdii qabaliga ahayd ku sugannahay waa lama huraan in aynu ku dhaqano dhaqan siyaasadeedkoodii, oo aynaan ka santaagin xeerkooda. Waa lagama maarmaan in hoggaankeenu ahaado guddoomiye guddoonka u rida beelaha Soomaaliyeed, xeerkeenu na ahaado mid is-oggol iyo is-ixtiraam ku fula. Nasiibdarro in badan oo taladeena qabataayi maahan dad garaadkooda iyo garashadoodu midkoodna uu fahmay xaaladda aynu ku sugan nahay. Waa dad aaminsan in ay madax ka yihiin dawlad sal-ballaaran oo casriya oo leh awooddii baas-abuur ee aynu horay u soo qeexnay. Akhristow waxaan aaminsanahay in taariikhada aan soo baranay iyo waxa ay raggaani aaminsanyihiini farqi wayn u dhaxeeyo.

Dhanka kalana waxaa jira dad ka sugaya nidaamyada inoo dhisan ha ahaadeen mid dhexe amaba mid dawlad goboleede awood aysan lahay. Waxa ay ka sugayaan in ay fuliyaan himilooyinkii aasaasiga ahaa ee ay dawladi u jirtay, innaga oo aan waliba dhisin dawlad. Ha halmaamin, in aynu horay u niri markii aynu dawladda qeexaynay sidaan: “dawladi waa cidda leh awoodda baas-abuur ee kaligeed ka fusha buqcad mucayana” qeexistii Max Weber. Haddii awooddaan aanay dawladdu lahayn amaba cid kale ay dawladda la fuliso, meeshaas dawladi kama jirto, qeexista Max weber. Haddii aanay dawladi jirin amaba ay daciif tahayna himilooyinkii aasaasiga ahaa marna ma fuli karaan ama sidii la rabay uma fuli karaan. Intaas markii aynu isla fahanno ka bacdi, daw maahan in aynu ku eedayno nidaamyada inoo dhisan awood aysan lahay iyaga oo aan waliba dhismin.

Mohamed Ahmed Elmi

Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 1aad

Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 2aad

Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 3aad

Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 4aad

Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 5aad

Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 6aad

Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 7aad

The post Taariikhda dowladnimada – Qaybtii 8aad (Qaybtii ugu dambaysay) appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this