Sign in to follow this  
Deeq A.

Sabrina dhoore oo uu qabo Jilaaga Caanka ah ee Idiris Elba oo ah Haweenay Somaliyada ayaa laga helay Caabuqa Coronavirus+Weedho calaalcala oo ka soo yeedhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sabrina dhoore oo uu qabo Jilaaga Caanka ah ee Idiris Elba oo ah Haweenay Somaliyada ayaa laga helay Caabauqa Coronavirus+Weedho calaalcala oo ka soo yeedhay

Sabrina Dhowre oo fayraska corona laga helay ayaa tiri "Waxaan doonayey inaan la joogo, taasina waa dabciga xaaska"Lamaanaha ayaa isguursaday April 2019

Sabrina Dhowre oo ah xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda.

Sabrina ayaa difaacay go’aankii ay ku ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiil, waxay u sheegtay barnaamijka cusub ee Oprah Winfrey ay ka bilowday Apple TV+ “Inay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dareemaysay dabciga xaasnnimo ee ah in ninkeeda ay daryeesho”

Lammaanaha ayaa ku sheegay wareysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga filimkiisii ugu dambeeyey lagu diyaarinayo.

“Dhab ahaantii, maanta ayaan ogaaday inaan qabo fayraska” ayey Sabrina ugu sheegtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facetime-ka Sabtidii.

Sabrina Dhowre oo fayraska corona laga helay ayaa tiri "Waxaan doonayey inaan la joogo, taasina waa dabciga xaaska"Idris Elba waa 47 sano halka Sabrina 30 jir tahay

“Go’aan waan sameyn lahaa aan nafteyda ugu galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go’aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto” ayay tiri Sabrina.

Sabrina oo ka hadlayey caafimaadkeeda iyo waxa hadda ay dareemayso ayay tiri “Ma dareemayo wax dadku ay filan lahaayeen, sida calaamadaha fayraska corona, taasi oo ah wax la yaab leh”

Waxay sii raacisay “Laga yaabee inay isbadasho todobaadyada soo socda, waan idinla socodsiin doonaa, kaliya waxa walwalka ah ayaa ah innaan halkan labadeennu fadhino, laba qof oo calaamadaha laga helay”.

Xaaska aktarka ayaa aad loogu dhaliilay in ay nafteeda ka dheerayn wayday Idris markii laha helay fayraska covid-19.

Sabrina Dhowre oo fayraska corona laga helay ayaa tiri "Waxaan doonayey inaan la joogo, taasina waa dabciga xaaska"Sabrina Dhowre

La wadaag qodobkan Faahfaahin

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this