Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin ay Soomaali ku jirto oo Giriiga lagu karantiilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Giriiga ayaa karantiil ku sameysay muhaajiriin ay kuwa Soomaali ah ku jiraan, kuwaas oo ku sugnaa xeryo ku dhow magaalada loo dalxiis tago dalkaas ee Kea.

Xukuumadda Athens ayaa sheegtay in muhaajiriinta ay garayaan illaa 190 ruux, islamarkaana ay ku heyso hoteelo loo bedalay xarumo dadka lagu karantiilo.

Ku xigeenka duqa magaalada Kea ee dalka Giriiga Eleftherios Tzouvaras oo la hadlayey wakaaladda AFP ayaa sheegay in dadkaasi muhaajiriinta ah ay ka soo jeedaan wadamada Afghanistan, Iran ,suuriya iyo Somalia, islamarkaana loo soo wareejiyey magaaladda caasimadda ah ee Athens, halkaasina lagu ogaan doono caafimaadkooda.

Dalka Gariiga ayaa waxaa ku sugan boqolaal muhaajiriin Soomaali ah, kuwaas oo haatan qaxooti ku ah xeryo ku yaala jasiiradaha Keos iyo Lesbos ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this