Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo gaadiidka gurmadka deg-dega ah iyo dhaqaatiir geysay garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta dhaqaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo gaadiidka gurmadka deg-dega ah geysay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in arrintaan la doonayo in lagu xoojiyo qorshaha looga hortagayo cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyey dhowaan laga helay dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaad ee la geeyey garoonka ay la socon doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalalka uu sameeyey cudurka, kuwaas oo ay dowladdu siiyey muddo labo maalin ah.

Qoraal shalay ka soo baxay xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya wadamada uu sida ba’an uu sameeyey la karantiilo doono muddo 14 cisho ah, gaar ahaan dalalka:- Shiinaha, dhammaan dalalka Yurub, Maraykanka, Koonfurta Kuuriya, Australia, Canada, Turkiga, Iiraan, Pakistan, Masar, Hindiya, Imaaradka Carabta, Malaysia, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Dowladda federaalka ayaa wada guud ahaan qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha.

GAWAARI.jpg okk.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this