Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in si dhakhso ah dib loogu bilaabi doono dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
JALAM-XARFO.jpeg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyay mashruucii dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, ayaa si buuxda u xaqiijiyay in dhismaha wadadaasi uu  dib u bilaaban doono bilaha soo socda.

Madaxweyne Deni oo u warramay Telefishinka SAAB, ayaa shaaca ka qaaday in mashruuca dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo uu dib u bilaaban doono sida ugu dhakhsaha badan, kadib markii sixitaan lagu sameeyay qaladaadkii keenay in mashruucaas la joojiyo .

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in mashuuca laga wareejiyay hay’adda GIZ ee Jarmalka ah, isagoo xusay in booskeedii lagu beddelay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS, balse madaxweynuhu sharraxaad intaas ka badan kama bixin mashruuca.

5-September 2018 qoraal ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay  in la joojiyay mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii uu musuqmaasuq hareeyay, balse 7-dii April ee sannadkii  2019, ayay  mar kale dowladda Jarmalku xaqiijisay in dib loo soo celinayo  mashruucaas.

Mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015, waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga Yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaas si wadajir ah u daah-furay mashruuca.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay in si dhakhso ah dib loogu bilaabi doono dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this