Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo hal arrin darteed duulimaadyada caalamiga ah u fasaxday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka ayaa maanta si kumeel gaar ah dib ugu fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda ku soo laabanaya.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradaasi, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku taariikheysan maanta ayaa waxaa lagu sheegay in muddo labo maalin ah dib loo furay duulimaadyadaas, sababo la xariira cabasho ka timid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xaniban garoomo kala duwan ee ku yaalla caalamka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in muwaadiniinta ka imaanaya dalalka uu ka jiro cudurka Coronavirus ay qaadan doonaan amarada wasaaradda caafimaadka dalka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in labo cisho kadib la joojin doono duulimaadyada caalamiga ah, illa 15-kii cisho ee uu horay u amartay dowladda dhexe.

Ugu dambeyn waxaa warqadda lagu sheegay in guud ahaan dalka aan la soo galin karin wax aan ka aheyn daawo ama raashin.

wwwwwwww-696x941-1.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this