Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buulo-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose ku fashiliyey labo Gaari Oo Al-Shabaab qaraxyo ku soo buuxiyeen, iyadoona ciidanku isla howlgalkaasi ay ku dileen 27 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Buulo-Gaduud, islamarkaana ay ku burburiyeen laba gaari oo Xamuul oo qaraxyo siday, sida uu hadalka u dhigay.

Labada gaar ayuu noocoodu ku sheegay Yuudhii, wuxuuna tilmaamay in la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this