Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta aysan Hindiya si fiican ugu baadheynin Caabuqa coronavirus?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxay tahay sababta aysan Hindiya si fiican ugu baadheynin Caabuqa coronavirus?

.Waddanka labaad ee ugu dadka badan adduunka ayaa laga soo tabiyay 182 kiis oo coronavirus ah

“Waxaan dhammaan dalalka u heynaa farriin sahlan – baar, baar, baar,” sidaa waxaa toddobaadkan magaalada Geneva ka sheegay madaxa Hay`adda Caafimaadka Addunka ee (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Wuxuu ka hadlayay xanuunka coronavirus, kaas oo dilay in ka badan 10,000 oo qof isla markaana ku dhacay dad kor u dhaafaya 207,000 oo ku nool ilaa 159 dal.

“Dhammaan dalalka waa inay awood u yeeshaan baaritaanka kiisaska xanuunka looga shakisan yahay, lama dagaallami karaan xanuunkan safmareenka ah iyagoo aan wax ka qaban,” ayuu yiri.

Iyadoo laga soo sheegay ilaa 182 fayraska Corona ah iyo afar dhimasho, Hindiya taladan ma u qaadatay si dhab ah?

Waddankan oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan dunida ma sameynayaa baaritaankii laga filayay?

Hindiya waxay shalay 72 sheybaar oo dalkaasi ku yaalla ku baartay ilaa 14,175 oo qof – waa tiradii baaritaanka lagu sameeyay ee ugu hooseysay dunida.

Sababta: dalku ma haysto qalab baaritaan oo ku filan. Sidaa darteed, keliya dadka xiriirka la yeeshay kuwa qaba fayraska amaba dadka u safray dalalka uu xanuunku aadka uga jiro, ama shaqaalaha caafimaadka ee fayraska la dagaallamaya ayaa la baaraa.

Maxay tahay sababta dal ay ku nool yihiin bulsho hal bilyan ka badan uusan sidii loogu talogalay u baareynin dadka? Sida rasmiga ah ee loo maleynayo waa inuusan xanuunku ku dhex faafin bulshada.

Iyadoo “caddeyn” ka soo baxday waaxda caafimaadka lagu sheegay in 826 baaritaan oo lagu sameeyay bukaanno qaba xanuunnada neefmareenka intii u dhaxaysay 1-dii iyo 5-tii bishan laga waayay xanuunka coronavirus.

Sidoo kale isbitaallada ayaanan wali soo sheegin inay kordheen dadka qaba xanuunnada neefmareenka ku dhaca.

.Maaha rasmiga ah ee la qabo waa inuusan cudurku wali ku fidin bulshada

Waxa kaliya ee la iska dhaadhicin karo waa in coronavirus uusan wali ku baahin bulshada Hindiya.

Balse khubarradu ma hubaan arrintaas.

Badankood ayaa aaminsan in Hindiya aysan sidii loogu talogalay u sameynin baaritaanka sababtuna ay tahay inay ka baqeyso inaysan haysan qalab ku filan iyo in hannaanka caafimaad ee dalkaasi ay saameyn ku yeelan doonaan bukaannada.

“Waan ogahay in baaritaan xooggan uusan xalka ku jirin, balse habkeenna baaritaan aad ayuu u yar yahay. Waxaannu u baahannahay inaan degdeg uga hortagno inay bulshadu isu gudbiso xanuunka,” waxaa sidaa yiri K Sujatha Rao, oo hore uga tirsanaa waaxda caafimaadka.

Markii dhinacyo badan laga eego, waa Hindiya oo isku dayeysa inay la dagaallanto xanuunka safmareenka ah iyadoo haysata qalab yar oo caafimaad. Khubarrada ayaa ka hadla sida uu dalkaasi uga guuleystay dabeysha iyo inuu xakameeyay HIV/Aids, iyo weliba dhawaan oo uu xakameeyay xanuunka H1N1.

Sidaas oo ay tahay, coronavirus waa mid ka mid ah xanuunnada la is qaadsiiyo ee ugu halista badan inta lagu hayo taariikhda dhow.

.Waxaa laga yaabaa inay Hindiya raadineyso waqti ay ku hesho qalabka saxda ah ee baaritaanka ku filan

Hindiya ayaa haatan sare u qaadeysa baaritaanka. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in sheybaarrada dalkaas ay awoodaan in muddo lix saacadood gudahood ah ay ku soo saaraan jawaabta isla markaana sheybaar walba uu sameyn karo ilaa 90 baaritaan maalintiiba, taas oo la laba jibbaari karo.

Ilaa 50 sheybaarro cusub ah ayaa la filayaa inay billaabaan baaritaanka wixii loo gaaro dhammaadka toddobaadkan. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegaya in marka la isku geeyo ay sheybaarradu awoodi doonaan inay maalintii baaraan 8,000 oo kiis.

Toddobaadyada iyo bilaha soo socda ayaa la arki doonaa haddii tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo wax ku ool ah.

Hindiya 10,000 ee qof waxaa ku soo aadaya siddeed dhakhtar marka loo barbardhigo Talyaaniga oo 41 ah iyo Kuuriya oo 71 ah.

Hal isbitaal oo ay dowladdu maamusho ayay ku tiirsan yihiin dad ka badan 55,000 oo qof.

Dadka badankood ma tagi karaan isbitaallada gaarka loo leeyahay. Waxaa dalkaasi lagu yaqaannaa baaritaan hooseeya, dadka isku arka calaamadaha hargabkana ma tagaan isbitaallada ee taas beddelkeed guriga ayay isku daweeyaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this