Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoreynta JANAALE oo laba siyaaboodba u dareen gelisay dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) oo iskugu dhafan cutubyo ciidanka Lugta ah iyo komaandooska Danab, ​oo kaashanayana kuwa nabad-ilaalinta Midowga Africa (AMISOM), ​qaybtooda hubka culus ayaa maalintii Isniinta March 16, 2020 dib u qabsaday magaalada Jannaale.

Weerarka oo in mudda ah la sugaayay, ayaa ciidamada XDS, oo aan iska-caabbin lixaad leh kala kulmin dagaalamayaasha Alshabaab, ayaa si guul leh ula wareegay degmada Jannaale, iyo deegaannada ku hareeraysan, taasoo ka dhigan in dhammaan buundooyinka gobolka Shabeellada Hoose, ay gacanta ugu jirto ciidanka XDS, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga DFS.

Magaaladda Jannaale oo qiyaastii ay ku nool yihiin 30 kun qof, kana xigta caasimadda Muqdisho 75 km dhanka koofur, oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee maamul-goboleedka Koofur Kalbeed, ayaa dhowr jeer dirir ku dhexmartay ciidamo ka kala tirsan XDS iyo kuwa u dagaalamaya Al-Shabab, kaddib markii AMISOM ay dib uga soo guratay bishii March 2015, kolkaas oo 19 askari oo u dhashay Uganda ay ku waayeen nolosha.

Ma aha markii ugu horraysay oo magaalo xagjiriinta ku xoog badan tahay ay ciidamada dowladda dib u qabsadaan. Abril – May 2019, ayaa ciidamada XDS gacanta ku dhigeen magaalooyinka Sabiib, Caanole iyo Bariire, halka June – August 2019 lagu guuleystay soo qabashada Ceel Saliini iyo Awdheegle oo 50 km dhanka bari ka xigta caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidamada XDS ayaa guushaas ku tilmaamay inay qayb ka tahay qorshaha badbaadada dalka looga xureynayo argaggixisada Al-Shabaab. Intaas wuxuu raaciyay in hawlgalkaani uu isugu jiro, wiiqidda argaggaxisada, sugidda amniga, dib u dhiska maamullada deegaannada iyo fidinta adeegyada aasaasiga u ah bulshada.

Weerarka Jannaale ee ciidamada XDS ayaa ka mid ah hawlgalka “Badbaado,” oo ah dadaal wadajir ah oo lagu sugayo aagagga koonfur ka xigga caasimadda Muqdisho. Inkastoo dibuhabeyntii ciidamada kaddib, Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen guulo la taaban karo, haddana horumar yar ayey sameeyeen bilihii la soo dhaafay marka la barbar dhigo dhulka u baahan xureynta, si ay u wiiqaan shabakadda mintidiinta ah, loona helo maamul-degaanka leeyahay iyo boliis awood leh oo suga nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, xuraynta Jannaale ayaa u muuqata in ciidamada XDS ay gaari karaan ujeeddooyinka dowladda Federalka Soomaaliyeed oo ah sugidda nabadgelyadda dalka iyo la dagaallanka xagjirnimada, taas oo laba siyaaboodba u dareen gelisay dowladda Kenya: (b) In  firxadka Alshabaab loo soo riixayo aagga “sector 2” oo ah deegaanadda ay joogaan ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM, taas oo aan u saamixi doonin inay iska sii harsadaan Jubbada Hoose; iyo (t) In XDS uu ku soo garguuran doono Jubbada Dhexe, si loo wiiqo awood sheegashada Axmed Madoobe iyo siyaasadda Kenya ee ah inay helaan maamul-goboleed hayin ​u ah.

Waxaa hubaal ah, in guusha Jannaale, ​iyo qorshaha duulaan ee Jubbada Dhexe ay soo dedejin ​doonto qorshihii ka bixitaanka AMISOM, ee ku madlanaa 2020/21, ​iyo ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.​

Sidii caadada u ahayd Kenya waxay ku dhaqaaqday ficil aysan taladayda ruuggin, taas oo ah in diyaaradaha ciidamada cirka Kenya ay ku​boolixooftay​een dusha ciidamada Haramcad, kuna soo xadgudbaan magaalada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo oo ​qayb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaan shaki ku jirin, in awoodda keliya ee guul lagu naaloodo ka soo hoyin karta xuraynta aagagga xagjiriinta haysato, sugina karta amniga, xasillonida iyo badbaadada dalka iyo dadkaba ay yihiin xoogagga ciidamada qaranka, ill​ayn horaa loo yidhi ‘biyo sacabbadaadaa looga dherga​​a’!

W/Q: Cabdulqaadir Cariif iyo Saciid Cabdisalaam
Jamhuriyadda.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this