Deeq A. Posted March 19, 2020 Muqdisho (SMN) – Xili magaalada garoowe uu kusoo idlaaday shirkii wadatashiga ee Puntland islamarkaana ay kasoo bexeen qodobo la xiriira siyaasadaha guud ee dalka iyo saameeynta Puntland ay kul eedahay meel marinta iyo kashaqeyntooda ayaa waxaa soo ifbaxaya dhaliilo ku aadan arintaasi oo ay jeedinayaan qaar kamid ah Waxgardka Soomaaliyeed. Waxgaradkan ayaa ku dhaliilay Puntland in ay faragalin ku hayso nidaamka shaqo ee daowlada dhexe islamarkaana ay kasoo gudubtay xeendaabkii sharcigu uu u siinayay in ay kula tacaamusho dowlada dhexe ee dalka. Cabdicasiis Cumar Daad Bayle, oo la hadlayay Shabelle, ayaa sheegay in dowlada dhexe masuuliyad gaar ah ay ka saaran tahay hogaaminta siyaasada guud ee dalka hadii ay ahaan lahayd qabsoomida doorashooyinka dalka iyo la tacaamulka wadamada dibada, isagoo hoosta ka xariiqay in Puntland looga baahanyahay in ay ka tanaashuso wax walba oo wax u dhimaya qarannimada Ummadda Soomaaliyeed. Dhowaan ayay ahayD markii shirkii wada tashiga puntland laga soo saaray go’aano qaarkood quseeya arimaha doorashooyinka dalka oo ay Puntaland ku tilmaamtay in ay tahay mid aan la aqbali Karin qodoboda qaar ee ku xusan hindisa sharciyeedka doorashooyinka ay meelmariyeen Xildhibaanada baarlamaanka baarlamaanka isla markaana uu saxiixay Farmaajo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites