Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgaradka Jubbaland oo taageeray dadaallada ay DF wado

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugaas Xasan Ugaas Daahir Ugaas Cawil oo ka mid ah waxgaradka Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyeyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi.

Ugu horreyn wuxuu soo dhoweeyey dadaallada ay dowladda federaalka ka wado deegaanada Jubbaland, isagoo shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka ka soo horjeeda dowladda dhexe ay yihiin kuwa leh dano gaar ah, islamarkaana la shaqeeya dowlado shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Ugaas Xasan Ugaas Daahir Ugaas Cawil ayaa ka dalbaday madaxweynaha Jubbaland inuu sameeyo tanaasul, islamarkaana uu aqbalo in dib loogu celiyo doorashadii muranka badan dhalisay ee ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Hadalka Ugaas Xasan Ugaas Daahir Ugaas Cawil ayaa ku soo aadaya, iyadoo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland uu cirka isku shareeray, kadib dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo uu wato wasiir Janan iyo kuwa milatariga ee la geeyey gobolkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this