Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii deegaanka Goof Gaduud Buurey oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay guddoomiyihii deegaanka Goof Gaduud Buurey, C/qaadir Axmed Xuuseen lagu dilay deegaankaasi

Kooxo hubeysan ayaa marxuumka toogtay, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha rasaasta ay ka haleeshay madaxa, islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo Koonfur Galbeed ay ka bixisay dilka marxuumkaasi.

Goof Gaduud Buurey oo hoos yimaada magaalada Baydhabo ayaa waxaa inta badan weeraro ka fuliya dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this