Deeq A. Posted March 19, 2020 Taliska howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM ayaa war-sxaafadeed ka soo saaray howlgalladii ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maalmo ka hor kula wareegeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen Janaale uu ahaa mid ay kaga guuleysteen Al-Shabaab oo sanado badan maamuleysay deegaankaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Simon Mulongo oo ku xigeenka madaxa AMISOM ee Soomaaliya ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Africa ugu hambalyeeyay howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu danbeyn AMISOM ayaa shaacisay in la wareegitaanka deegaanka Janaale uu hordhac u yahay qorshaha ay 2021-ka uga bexeyso gudaha Soomaaliya, horayna ay ciidanka dowladda gacan uga siiyeen in dagaalyahannada Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada Sabiid iyo Caanoole, Bariire, Ceel Sakiini iyo degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites