Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

90 abeesooyin

Recommended Posts

I don't know about 90 xildhibaan, however I am sure they are at least dozens of them who are traitors and treacherously, openly support Kiikuuyada.

Maxaa ka jira in 90 ka mid ah xildhibaannada BF ay taageersan yihiin Kenya?

Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Jookar ayaa wareysigaan ku sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo si aad u taageersan dowladda Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiga Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar ayaa ku eedeeyey xildhibaanadaasi inay xiriir dhow la leeyihiin madaxda dowladda dalka Kenya, islamarkaana ay taageersan yihiin siyaasad ahaan, inkastoo uusan carab dhabin magacyadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kenya TV-yadeeda ay mar-weliba ka sheegto in kaliya ay wax ku heystaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse baarlamaanka dowladda federaalka ay ku dhex leeyihiin 90 xildhibaan oo uu shaaciyey inay dooneyso in ay u adeegsato, kuna dhabar jabiso madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

“Dowladda Kenya waxaad ka maqleyseen inay Tv-yadeeda ay ka leedahay anaga laba nin baa wax nagu heysata, waana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, 90 xildhibaan baan dowladdda Soomaaliya ku leenahay, iyaganaa Mooshin u isticmaaleynaa inaanu ku ridno labada nin” ayuu yiri Korneyl C/nuur Jaamac Jookar oo ah siyaasi Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu maqan yahay doorkii baarlamaanka Soomaaliyeed, islamarkaana shaqo qurux badan aysan ka socon dhankooda, xilli uu dalku ku jiro marxalad adag oo u baahan in loo wada istaago wax ka qabashadeeda.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysaneysay xiisada Soomaaliya iyo Kenya oo horay isugu hayey kiiska Badda ee weli horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this