Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda U Dhaxaysa Masar Iyo Itoobiya Oo Xooggaysatay+ KENYA Oo La Safatay Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Masar Abdel-Fattah El-Sisi u sheegay in Kenya ay taageersan tahay mowqifka Masar ee muranka ka dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xidheenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.

Afhayeenka El-Sisi, Bassam Rady ayaa sheegay in madaxweynaha uu taleefon ka helay dhiggiisa Kenya, kaasi oo ay kaga wada-hadleen muranka biyo-xidheenka kadib markii ay burbureen wada-hadalladii Washington ay dhex-dhexaadineysay ee Masar, Itoobiya iyo Sudan.

Kenyatta ayaa mowqifka Masar ku qeexay mid ku saleysan “rabitaanka siyaasad daacad ah”, sida lagu sheegay bayaanka.

Xiisadda Masar iyo Itoobiya ayaa kasii dartay kadib markii Addis Ababa ay ka baaqatay wareegii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ee 26-kii February lagu qabtay magaalada Washington, ayada oo sheegtay inay u baahan wada-tashi dheeri ah.

egypt_kenya_leaders-1.jpg

Kadib markii Itoobiya ayna ka qeyb-galin kulankii Washington, wasaaradda arrimaha dibdda Masar ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeedhay “maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn ee Itoobiya ee marxalad muhiim u ahayd wada-hadallada.”

“Masar waxay adeegsan doontaa wax kasta oo ay awooddo oo ay ku difaaceyso danta dadkeeda,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Taageerada Kenya ay u muujisay Masar ayaa muujineysa sida ay usii kala fogaanayaan Nairobi iyo Addis Ababa, oo markii horeba ku loolamayey siyaasadda gobolka.

Halkan hoose ka akriso source warkan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this