Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Shabaab ahaa oo lagu dilay Janaale+Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo xoogan iyo dhaq dhaqaaqyo ay weli ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ka wadaan qeybo badan  gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Howlgallada oo ah kuwa qorhsheysan ayaa ka socda deegaanka Janaale iyo tuulooyinka ku xeeran, kadib markii ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Danab ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in Janaale ay ku dileen lix ka tirsanaa Al-Shabaab.

Maalin ayaa tilmaamay in lixda xubnood ee la dilay ay ka mid ahaan labo sarkaal oo kala ahaa Siciid Dheere oo uu seegay inuu horjooge u ahaa jabhadaha Al-Shabaab deegaanka Ceel-saliini illaa Janaale iyo sidoo kale horjooge Bukhaari oo isna Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose , sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dilka saraakiishaasi.

Xaaladda ayaa maanta yara degan, balse ciidamada dowladda ayaa isku sii fidinayaa agagaarka deegaanka Janaale oo ay in muddo ah gacanta ku heysay Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilihii u dambeeyey sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this