Sign in to follow this  
Deeq A.

 Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka SOOL oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
 Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka SOOL oo la dilay
 sool.jpg

Warar na soo gaadhaya ayaa sheegaya in caawa magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool lagu dilay Taliyihii Sirdoonka ee gobolkaas Cabdiqani Guhaad

Taliye Cabdiqani Guhaad ayaa caawa rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bistoolado ku toogteen afaafka hore ee Gurriga uu ka dagan yahay magaalada Laascaanood

Ragga toogtay Taliyaha ayaa goobta iskaga baxsaday, inkasta oo ay halkaas gaadheen Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo isla markiiba bilaabay baadi-goobka ragii toogashada fuliyey.

Taliyahan caawa la dilay ayaa la sheegayaa in uu gacanta ku hayey baadhista qaraxii labo todobaad ka hor lagu khaarajiyey Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Soo, Xasan Sheekh.

Ilaa hadda majiro wax war ah oo ay Laamaha amnigu ka soo saareen dilka ay caawa raga hubeysani u geysteen Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this