Deeq A. Posted March 17, 2020 Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka SOOL oo la dilay Warar na soo gaadhaya ayaa sheegaya in caawa magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool lagu dilay Taliyihii Sirdoonka ee gobolkaas Cabdiqani Guhaad Taliye Cabdiqani Guhaad ayaa caawa rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bistoolado ku toogteen afaafka hore ee Gurriga uu ka dagan yahay magaalada Laascaanood Ragga toogtay Taliyaha ayaa goobta iskaga baxsaday, inkasta oo ay halkaas gaadheen Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo isla markiiba bilaabay baadi-goobka ragii toogashada fuliyey. Taliyahan caawa la dilay ayaa la sheegayaa in uu gacanta ku hayey baadhista qaraxii labo todobaad ka hor lagu khaarajiyey Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Soo, Xasan Sheekh. Ilaa hadda majiro wax war ah oo ay Laamaha amnigu ka soo saareen dilka ay caawa raga hubeysani u geysteen Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites