Deeq A. Posted March 17, 2020 Tifaftiraha cusub ee BBC Somali oo shaqada billaabay Muhyadin Roble, Tifaftiraha cusub ee BBC Somali Muhyadin Roble oo dhawaan loo magacaabay Tifaftiraha laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa maanta si rasmi ah uga shaqo billaabay xafiiska, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay doorka cusub ee uu la wareegay. Maamulka BBC-da oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku dhawaaqay magacaabista Mr Roble. Madaxa BBC-da ee Bariga Afrika Rachael Akidi Okwir ayaa tiri: “Aad baan ugu faraxsan nahay in Muhyadin uu nagu soo biiray. Wuxuu howl-wadeennada BBC-da ka mid noqday waqti ay saameyn aad u ballaaran leedahay laanta Afsoomaaliga. Isagoo madax u ah qeybta digital-ka iyo Raadiyaha, diiraddiisa ugu horreysa wuxuu saari doonaa inuu dusha kala socdo isbaddalka dhinaca digital-ka iyo casriyeynta idaacadda soo jirtay 63-ka sano”. Khibrad iyo aqoon dhinaca saxaafadda ah Ka hor inta aan loo xulanin madaxa laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, Muhyadin wuxuu kasoo shaqeeyay Warbaahinta arrimaha Bani’aadannimada diiradda saarta ee Radio Ergo (oo horay loo oran jiray IRIN). Halkaas wuxuu ku hoggaaminayay koox wariyeyaal ah oo wararkii ay ka sameyn jireen arrimaha bani’aadannimada ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Yemen ay ahaayeen kuwo abaalmarinno muteystay. Wuxuu heystaa shahaadaha heerka loo yaqaanno MA oo uu ku qaatay waxbarashada Xiriirka Caalamiga ah, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Diblomaasiyadda. Sidoo kale wuxuu shahaadada BA ku qaatay Aqoonta Saxaafadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, taasoo uu ka dhigtay Jaamacadda United States International University. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan hoggaamiyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC Somali, oo ah warbaahinta ugu muhiimsan, kalsoonida ugu weynna ka heysata dadka ku hadla luqadda Soomaaliga – kuwooda ku nool geeska Afrika iyo kuwooda qurbajoogta ahba. BBC Somali Waxay qeyb ka tahay dhaxalka Soomaalida, waxay u tahay aqoonsi iyo hab nololeed, waxaana iyadoo jirta dhageysigeeda indhaha kusoo kala qaaday dhowr jiil oo aan aniguba ka mid ahay. Aad baan ugu faraxsanahay inaan qaato fursaddan,” ayuu yiri Muhyadin oo cabirayay dareenkiisa. Sidoo kale, qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga ayuu ku sharraxay dareenkiisa ku aaddan kusoo biiritaanka BBC-da Ka gudub Facebook daabacaad W.Q Muhyadin Dhammaadka Facebook daabacaadda qore Muhyadin Muyadin waa tababare saxaafadeed oo khibrad leh, qoraa iyo falanqeeye ka faallooda arrimaha Geeska Afrika. Qormooyinkiisa shaqo waxaa lagu daabacay wargeyskayada The East African, The Jamestown Foundation, African Arguments iyo kuwo kaleba. Wuxuu sidoo kale kasoo muuqday warbaahinno caalami ah oo ay ka mid yihiin Aljazeera, DW, VOA, France 24 iyo CBC. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites