Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho Oo Laga Helay Qofkii Ugu Horreeyay Ee Qaba Cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya aya hadda ku dhawaaqay in kiiskii ugu horreeyay Cudurka Coronavirus laga helay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur oo si toos ah shacabka ugala hadashay telefashinka dowladda ayaa sheegtay in qof kamid ah dadkii ka yimid dalka dibaddiisa oo dowladda karantiishay laga helay Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Wasiirka Fowsiya ayaa sheegtay in qofka la helay Cudurka Coronavirus xaaladihiisa haatan ay tahay mid wanaagsan, isla markaana haatan lala tacaalayo.

Dhanka Kale Dawladda fadaraalka Soomaaliya ayaa si rasmi u joojisay duulimaadyadda caalamiga ahaa laga bilaabo 18 bishan aan hadda ku jirno muddo 15 maalmood ah, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this