Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Dagaal culus oo ka qarxay Janaale iyo ciidamada DF oo gudaha u galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Janaale (Caasimada Online) – Wararka hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka qarxay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dawladda oo garabsanaya kuwa caalamiga ah ee taageera dawladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen magaalada, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Goobjoogeyaal la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku jiraan magaalada, oo ay dhinac ay ka qeybsadeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in rasaas laga maqlay bartamaha magaalada taasi oo u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga dawladda oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in qorshuhu yahay in ciidamada dawladdu ay qabsadaan lana wareegaan gacan ku haynta Jannaale.

Caasimada Online ayaa shalay werisay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay faarujiyay degmada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose kadib markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku sugnaa duleedka magaalada, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa dib isu dhigayey si ay u galaan magaalada.

“Ma jirto awood ciidan oo na hortaagan laakiin waxaa ka cabsi qabnaa qaraxyo dhulka la geliyay si tartiib ah ayey u galayaan ciidanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Janaale, ayada oo toddobaadkii tagay kaliya laga fuliyey laba duqeyn, inkasta oo mid ka mid ah la sheegay inay ku dhinteen shacab.

Degmada Janaale ayaa ka tirsan degmooyinka ay mudada dheer maalayaan Al-Shabaab waana degmada saddexaad oo ay gobalkaas ka joogaan.

Al-Shabaab hadii ay gacantooda ka baxdo Janaale waxay ku hari doonaan Sablaale iyo Kuntuwaarey oo ka tirsan degmooyinka ay hadda maamulaan ee gobalka Shabeellada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this