Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Golayaasha maamulkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay ku laabtay Magaalada Jowhar ayaa  kulan la qaatay labada Gole ee maamulka Hirshabeelle.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Waare iyo xubnaha labada Golle ee Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanada maamulkaas iyo kulamadii Waare uu Muqdisho kula soo qaatay mas’uuliyiin kala  duwan.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ay kamid tahay ansixinta Miisaaniyada dowlad goboleedka Hirshabeelle ee 2020.

Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Waare hey’addaha deeq bixiyaasha oo uu kala hadlay sidii loo fulin lahaa qorshe Mashruuc oo looga hortagayo Fatahaadaha iyo daadadka iyadoo waayo aragnimo laga qaadanayo Fatahaadihii Sanadkii hore.

Ugu dambeyn Wasiirada ka tirsan Hirshabeelle ee ku maqan Muqdisho iyo meelaha kale ayaa lagu amray in ay si deg deg ah ku tegaan Magaalada jowhar maadama la marayo xili adag lana filayo Meelmarinta Guddiyo Dastuuri ah iyo Doorasho ku dhacda xiligeeda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Golayaasha maamulkiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this