Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdinuur-Sheikh-Maxamed-sax.jpg?w=1000&Cabdinuur Sheikh Maxamed

Galabta oo Axad ah, kuna beegan  15-Mar-2020 saacaddu markii ay ahayd 5:00pm, ayaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland si rasmiya ugu dhawaaqay, in uu xirmay hannaanka diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Af-hayeenka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheikh Maxamed, ayaa sheegay in habka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda oo soo bilowday 15-Dec-2019 uu soo xirmay Galabta oo ku beegan 15-Mar-2020, saacaddu markii ay ahayd 5:00pm Galabnimo.

Mudane Cabdinuur Sheikh Maxamed ayaa sidoo kale sheegay hannaanka diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Puntland oo socday mudda saddex bilood ah uu ku soo dhammaaday si guul ah, islamarkaana wixii tafaasiil ah maalmaha soo socda uu guddigu shaacin doono.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this