Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo mintidiinteeda Yurub siisay amar yaab leh oo la xiriira Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Kadib sanado badan, Kooxda Daacish ee ka dagaalanto qeybo kamid ah dunida ayaa bilowday inay dagaalyahanadeeda ku booriso inaysan u jihaad tagin magaalooyinka waaweyn ee Yurub, iyadoo taas sabab uga dhigtay feejignaan ku aadan xanuunka Coronavirus

Kooxda Daacish ayaa ugu baaqday Jihaadi kasta oo ka tirsan kooxdaan ee Yurub joogo inuu halkaas ku sugnaado, isla markaasna waxaa loo sheegay in kaliya uu cudurkaan ku dhacayo gaalada, sida ay qortay Jariirada Sunday Times ee London kasoo baxdo oo soo xiganeyso Joornaalka Al-Naba ee kooxda Daacish.

“Qof kasta oo kooxda Daacish ka tirsan ee Caafimaad qabo waa inuusan gelin wadamada uu cudurka ku faafayo, sidoo kalana kuwa uu cudurka ku dhacay waa inaysan kasoo tagin wadamada ay hadda ku sugan yihiin” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray Wargeyska Al-Naba ee Kooxda Daacish.

Kooxda ISIS ayaa sheegtay in cudurkaan uu yahay Cadaab uu Allah soo diray oo loogu talagalay in lagu ciqaabo gaalada.

Dalka Ciraaq oo ah halka ugu badan oo ay ku sugan tahay kooxda Daacish ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga helay 110 kiis oo cudurka Coronavirus, iyadoo 10 kamid ah dadkii cudurkaan laga helay ay dhinteen, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University ee dalka Mareykanka.

In ka badan 156,000 oo kiis oo la xiriira Coronavirus ayaa laga xaqiijiyey caalamka, hase yeeshee markay noqoto waxaa ugu darran dalka Talyaaniga oo laga diiwaan-geliyey in ka badan 21,000 iyo dhimashada dad ku dhow 1,500.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this