Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Askari addoonsi iyo dil gaystay oo xukun dil ah lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   
Xukmanaha.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa saaka oo Axad ah xukun dil ah ku ridday askari ka tirsanaa ciidanka Militariga oo lagu helay dilka qof shacab ah iyo dhaawaca mid kale.

Dable Cabdiraxmaan Cabdulle hilowle oo ka tirsanaa ciidanka Militariga, ayaa lagu helay in uu dilay marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo in uu dhaawacay yaasiin Geedow Xuseen.

Xukmanaha ayaa dilka iyo dhaawacaas geystay 31 October 2019, kadib markii marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo yaasiin Geedow Xuseen ay ka diideen, in uu ku fasho beertiisa oo ku taalla degaanka Buula-mareer ee gobolka Shabeellada hoose.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku ridday eedaysane Cabdiraxmaan Cabdulle hilowle, waxaana fursad loo siiyay 30 cisho oo Rafcan ah.

Halkaan ka akhriso warbixinta oo faahfaahsan

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Askari addoonsi iyo dil gaystay oo xukun dil ah lagu riday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this