Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobaha Waxbarashada Garoowe oo loo fasaxay Shirka wada-tashiga Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa shaacisay in mudda saddex maalmood ah la fasaxay dhammmaan goobaha Waxbarashada ee ku yaalla caasimadda Garoowe.

Fasaxaas ayaa lagu go’aamiyay Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland, oo lagu socod-siiyay dhammaan Maamulayaasha xarumaha Waxbarashada Garoowe iyo Guddoonka Waxbarashada gobolka Nugaal.

Qoraalka waxaa lagu sheegay, in saddexda maalmood ee uu socdo Shirka Wada-tashiga Puntland oo ka bilaabata Axadda berriya, islamarkaana ku eg maalinta Talaadada ah ay dhammaan fasax yihiin xarumaha Waxbarashada magaalada Garoowe.

Fasax-Waxbarasho.jpg?w=1000&ssl=1


PUNTLAND POST

The post Goobaha Waxbarashada Garoowe oo loo fasaxay Shirka wada-tashiga Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this