Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Wasaaradda caafimaadka dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dalka Kenya oo Soomaali badan ay ku noolyihiin galinkii hore ee maanta laga diwaan galiyay kiiskii kowaad ee caabuqa Coronavirus.

Mutahi Kagwe, wasiirka wasaarada caafimaadka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi ayaa xaqiijiyay in qofka laga helay caabuqa Coronavirus ay tahay haweeneey 27 jir Kenyan ah oo ka timid Mareykanka,isla markaana soo martay dalka Ingiriiska.

Sidoo kale wasiirka caafimaadka Kenya ayaa sheegay in bukaanka la dhigay isbitaalka dowlada ee Kenyatta Hospital,isla markaana halkaasi lagu xakameyn doono caafimaadkeeda inta ay xaaladeeda isbadaleyso.

Kadib markii la xaqiijiyay in qofkii koowaad gudaha Kenya laga helay Coronavirus ayaa arintaasi waxay walaac badan ku abuurtay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Kenya,maadaama caabuqan uu yahay mid si fudud u faafi kara.

Si kastaba ha’ahaatee dowalda Kenya ayaa sheegtay in ay joojineyso isu imaatanada dadweynaha,goobaha waxbarashada,meelaha laga raaco gaadiidka dadweynaha,isla markaana ay qaadeyso tilaabooyin kale oo ay uga hortageyso in caabuqan uu gudaha dalkaasi ku faafo.

Kenya ayaa noqonaya dalkii koowaad ee dhaca geeska Africa oo laga helo Coronavirus,balse arintan wayaa feejignaan dheeraad ah galisay dadka Soomaalida ah ee dagan gudaha dalkaasi Kenya.

Majir wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan kiiska caabuqa Corona ee laga helay dalka Kenya,maadaama dalkaasi ay siyaabo kala duwan ugu noolyihiin dalkaasi kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this