Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo xayiraad kusoo rogay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War qoraala oo kasoo baxay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu shaaciyay in xayiraad dhanka safarka ah ay kusoo rogtay dalal ay kamid tahay Soomaaliya,taas oo boqortooyadu ay sheegtay in kamid tahay talaabooyinka ay kaga hortageyso caabuqa Coronavirus.

Bayaankan ay soo saartay boqortooyada Sacuudiga oo nuqul kamid ah lagu daabacay wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in xanibaado dhanka safarka ah ay saartay muwaadiniinta wadamada Switzerland, India, Pakistan, Sri Lanka, Philippines, Sudan, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Djibouti iyo Somalia.

Sacuudiga ayaa sheegay in dalalka ay kusoo rogeen xanibaadaha socdaalka ay ka jirto cabsi ku aadan caabuqa sida fudud u faafa ee Coronavirus, isla markaana ay talaabadan kamid tahay talaabooyinka caabuqa looga hortagayo.

Wadamada uu Sacuudiga sheegay in ay ka jirto cabsida Coronavirus oo ay kamid yihiin dalalka geeska Africa dhaca ee Sudan, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Djibouti iyo Somalia ayaan dhamaantood la xaqiijin hal kiis oo ah Coronavirus oo laga helay gudaha dalalkaasi, sida ay muujisay warbixin ay dhowaan soo saartay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Si kastaba ha’ahaatee boqoraatooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in sidoo kale ay si gaar ah xanibaad u saari doonaan qof walba oo booqda dalalkaasi, isla markaana isku  daya in uu gudaha u soo galo dalkaasi.

Go’aanka Sacuudiga ay Soomaaliya ugu dartay wadamada ay ka jirto caabuqa Coronavirus ayaa noqday mid lama filaan ah,maadaama Soomaaliya aan wali laga helin qof la xaqiijiyay in uu qabo caabuqa Coronavirus,mana jiro wax war ah oo dowalda Soomaaliya ay kasoo saartay go’aanka Sacuudiga uu Soomaaliya wadamada ay ka jirto cabsida Coronavirus.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this