Sign in to follow this  
Deeq A.

Masjid ay dhismihiisa qeyb ka ahayd Shabelle oo la furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Munaasabad lagu daah-furayay masjidka Xaaji Yuusuf Xasan Sahal oo kamid ah masaajida ku yaala magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay gudaha masjidka oo ku yaala wadada Frolence ee degmada Warta-nabada xili daahfurka masjidka ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin culumaa’udiin caan ka ah dalkeena Soomaaliya iyo maamulka sare ee shabakada warbaahinta Shabelle.

Dhismaha masjidka oo soo socotay mudo sanad iyo sadDex bilood ah ayaa waxaa si weyn uga qayb qaatay tabarucaada ay u fidiyiin Ummadda Soomaaliyeed, iyaddoo shabakada warbaahinta Shabelle ay baahineysay barnaamij lagu wacyigelinayey dadweynaha.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif, oo ka hadlay furitaanka masjidka, ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta taariikhda masjidka iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soomaray, isagoo sheegay in tabarucaada lagu dhisay masjidka ay kasoo kala aruuriyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay warbaahinta Shabelle oo door baahineed oo muhiim u ahaa dhismaha masjidka kaga qeyb qaadatay dhismaha masjidka.

Sheekh Abuukar Xasan Maalin, oo munaasabada ka hadlay, ayaa si wayn uga hadlay faa’iidada ay leedahay ka qeyb-qaadashada dhismaha iyo dayac-tirka goobaha cibaaqada ee Masaajidka uu ugu horeeyo.

Sidoo kale, maamulka  masjidka Xaaji Yuusuf  Xasan Sahal ayaa uga mahd celiyay dadkii ka qeyb qaatay dhismaha masjidka, isagoo kalimadu duco u badan ujeediyay ka qeyb-qaatayaashii dib-u-dhiska masjidka iyo maamulka sare ee shabakada warbaahinta Shabelle.

Shabakada warbaahinta Shabelle ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay dhismaha iyo dayactirka goobaha cibaadada, iyadoo Shabeelle ay sii dayso barnaamijyo wacyi galin iyo daqli aruurin ku qotonta dhismaha masaajida waxaana masjidkaan uu qayb ka noqonayaa tira masaajid ah oo Shabelle ay dowr weyn kaga qaadatay dhisamaha iyo dayactirka masaajido dhowr ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this