Deeq A. Posted March 12, 2020 Atooraha filimkii burcad badeedda Soomaalida oo uu ku dhacay Corona Tom Hanks iyo Rita Wilson Jilaaga caanka ah ee Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson ayaa sheegay inuu ku dhacay fayraska safmarka ah ee Corona xilli ay ku sugan yihiin dalka Australia. Hanks iyo afadiisa oo labaduna 63 jir ah ayaa dhakhtarka tegay kadib markii ay isku arkeen astaamo ay ka shakiyeen sida uu atooraha ku qoray bartiisa Instagram. Waxa uu intaa ku daray inay iskood isu karantiileen. Lamaanahan Maraykanka u dhashay ayaa ku sugan magaalada Gold Coast oo uu Hanks ku duubayay filim ku saabsan noolashii heesaagii caanka ahaa ee Elvis Presley. Arbacadii ayay ahayd markii hay’adda caafimaadka adduunka ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in fayraska Corona uu yahay safmar caalami ah. Hanks ayaa Instagram-kiisa ku qoray: “Waxaan dareennay daal, sida inagoo uu qabow nagu dhacay iyo xoogaa jir cuncun ah. Sidoo kale qandho kooban,” Jilaagan oo ku guulaystay abaalmarinno muhiim ah, isla markaana atoore ka ahaa filimaan ay kamid yihiin Captain Phillips oo laga sameeyay burcad badeedda Soomaalida, Forrest Gump iyo Saving Private Ryan ayaa sheegay inuu caalamka “la socod siin doono” xaaladdooda caafimaad. Warbaahinta maxalliga ah ee Australia ayaa sheegtay in duubitaanka filimka si kumeelgaar ah loo hakiyay. In ka badan 130 kiis oo fayraska Corona ah ayaa lagu arkay dalka Australia. Fayraskan safmarka ah ayaa si weyn u saameeyay noolasha dad badan oo caalamka ku nool, waxaana gebi ahaanba bandow la geliyay dalka Talyaaniga oo ay boqolaal qof ugu dhinteen. Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa muddo 30 maalmood ah oo ka billaabmaysa Jimcaha joojiyay dhammaan dadka waddankiisa uga soo safraya qaaradda Yurub. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites