Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka Ingiriiska Oo Laga Helay Cudurka CORONAVIRUS

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Dalka Talyaaniga waxaa Salaasadii laga diiwaangeliyay tiradi ugu badneyd ee ugu dhimata cudurka coronavirus, halka magaalada New York ee dalkaan Mareykanka la geeyay ciidanka ilaalada qaranka si loo xakameeyo faafiska cudurkaan oo argagax ku abuuray dhamaan caalamnka.

Dalka ugu daran dhanka Yurub ee uu xanuunkaan haleelay oo ah Talyaaniga, salaasadii dhimashada ayaa gaadhay guud ahaan waddanka illaa iyo 631 qof.

Dalka Ingiriiska, wasiirka caafimaadka, haweeneyda la yidhaahdo Nadine Dorries ayaa sheegtay inuu cudurka Coronovirus ku dhacay, isla markaana ay isku karantiishay hoygeeda. Magaalada New York ee dalkaan Mareykanka ilaa iyo 173 kiis ayaa la xaqiijiyay. Guud ahaan Mareykanka ku dhawaad kun qof ayaa la soo wariyay inuu cudurka ku dhacay.

Shiinaha ayaa wali ah dalka ugu daran ee uu xanuunka aafeeyay. Waxaa illaa iyo hadda ugu dhintay dalkaasi in ka badan 3 kun oo qof halka uu soo riday dad gaadhaya 80 kun oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this