Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa faah faahin looga bixiyey duqeymo diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaaasi oo ka dhacday deegaanada Janaale ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dileen illaa shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dhanka kale AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaasi aysan wax khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Maalin ka hor ayey markii deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose uu Mareynkanka ka fuliyey duqeyn diyaaradeed oo uu tilmaamay inuu ku dilay afar ka tirsana Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this