Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hortagay ‘khatar ay damacsanaayeen’ Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa ka warbixiyey duqeyn diyaaradahooda shalay markale ay ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose.

Duqeynta oo markii labaad Mareykanka muddo ka yaray 30 saac uu ka fuliyey deegaanka Janaale ayaa wuxuu la beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in weerarkaan cusub ee dhanka cirka ah ay ku dileen illaa shan xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaan looga hortagay khatar ay AFRICOM tilmaamtay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay u wadeen dowladda federaalka ah Soomaaliya, ciidanka AMISOM iyo danaha Mareykanka ee Afrika, sida lagu yiri warka.

Sidoo kale AFRICOM waxa ay shaacisay in howlgalkaasi dhanka cirka ah ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Maalin ka hor ayey aheyd markii isla deegaankaan uu Mareykanka duqeyn ka fuliyey, taas oo uu sheegay inuu ku dilay illaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyey diyaaradaha AFRICOM ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Sh/ Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

89784442_201594297776849_692806691458541

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this