Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 10, 2020 There is no need for mar kale since Soomaaliya ay tahay dal dhisan oo jira, aana kala tagi karin. However, I welcome this, dad badan ayaa riyadii xumeyd ka soo toosooyo. “Waxaan markale dooneynaa in Soomaaliya iyo Somaliland ay midoobaan” Koox aqoonyahanno ah oo intooda badan ka soo jeeda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inay doonayaan inay dib u midoobaan Muqdisho iyo Hargeysa. Bayaan uu dhaqdhaqaasi ka soo saaray magaalada London ayey ku sheegeen in ujeedkoodu yahay feker iyo aragti abuur midnimo ku salaysan. Waxayna sheegeen in xubno badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqooda ay ka shaqeeyaan magaalooyin badan oo Somaliland iyo Soomaaliya ah. Baaqa ayay sheegeen in ujeekiisu yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa, loona xoojin lahaa wadahadallada ummadda Soomaalida iyo sidii loo heli lahaa midnimo macno leh oo waxtar dhinac walba u leh. "Sodon sanadood sida iminka Soomaalidu ahayd, gaar ahaan labada gobol laguma sii jiri karo, oo umadnimadu kuma sii jiri karto marka la eego dhibaatooyinkii waaweynaa ee dhacay iyo kuwa iminka labada dhinacba gudahooda ka jira iyo isbedallada waaweyn ee gobolka Geeska Afrika ka dhacaya oo u baahan in la helo jiho cusub oo ka duwan wixii sodonkii sano ee u dambeeyay lagu jiray," ayuu yiri Maxamed Baashe Xaaji Xasan, xiriiriyaha dhaqdhaqaaqa Mar Kale Midnimo oo BBC-da la hadlay. Wuxuu intaa raaciyay in xukuumadaha ay culeys ku saari doonaan, doorkooduna uu yahay feker iyo aragti abuur cusub oo ku saabsan midnimada labada dhinac. Waxaa kale oo uu Baashe sheegay in xubna kamid ah ay ku sugan yihiin gudaha Somaliland, gaar ahaan, Hargeysa iyo Burco degaannada kale iyo dibedda, waxaana uu yiri "si qarsoodi ah ayaanu gudaha uga shaqeynaa." Qorshahoodu ayuu sheegay in uu ahaa inay ku kulmaan gudaha Mgaalaada Hargeysa, balse aysan taas suurtagal ahayn, maadaama aanan laga oggoleyn doodda ay wadaan. Hase yeeshee hadalka kasoo yeeray ururkaas ayaa waxaa ku gacan seyray Somaliland oo sheegtay in taasi aysan shaqeyneyn. Read on Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 10, 2020 Their Facebook page: Mar Kale Midnimo - Home | Facebook M.FACEBOOK.COM Mar Kale Midnimo. 1.8K likes. Political Organization Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 10, 2020 Wareysiga lala yeeshay the founder. Mar Kale Midnimo on Facebook Watch M.FACEBOOK.COM Halkan ka dhageyso, wareysi ku saabsan ururka 'Mar kale Midnimo', oo maanta ay BBC Soomaali la yeelatay Maxamed... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted March 11, 2020 16 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said: Wareysiga lala yeeshay the founder. Mar Kale Midnimo on Facebook Watch M.FACEBOOK.COM Halkan ka dhageyso, wareysi ku saabsan ururka 'Mar kale Midnimo', oo maanta ay BBC Soomaali la yeelatay Maxamed... MMA, they’re just like rats abandoning a sinking ship. I can’t say I blame them one bit. After all, the relentless quashing of these dimwitted secessionist pipe-dreams are unfurling against a background of a resurgent and confident Mother Somalia. Most sensible northerners don’t want to miss out. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted March 11, 2020 Odweyne Waxba kalama socotid arimaha mujtamaca soomaalida waqooyiga Guryahaas jiirku ka buuxo ee london, isagasoo tag oo dadkaaga dhex gal si aad wax badan u ogaatid Snm'tii xag jirka ahayd waa sii dhamaanayaan, wax yar baa ka haray oo aad ku jirto. Dadku xoolo ma'ahan meel lagu xarayn karo, aqoonsibaa soo socdana way ogyihiin inaysan waxba ka jirin laakiin daruufta yaa ku khasabtay inay been mashxaradaan. Mushkiladda waxay ka jirtaa koonfurta oo jacaylka xukunku ku batay ayagoon nabadna haysan, waa intaa kaliya waxa labada shacab oo walaalaha ah kala hortaagan. Taas been kama sheegayo anigaa kaaga xog ogaalsan, ama rag iska celin yaa ku been legaday. Mida kale Adigoon qofna caayin iyo beel wax ma sheegi kartaa? mise waa caado aan laga maarmi karin? 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted March 11, 2020 43 minutes ago, gooni said: Odweyne Waxba kalama socotid arimaha mujtamaca soomaalida waqooyiga Guryahaas jiirku ka buuxo ee london, isagasoo tag oo dadkaaga dhex gal si aad wax badan u ogaatid Snm'tii xag jirka ahayd waa sii dhamaanayaan, wax yar baa ka haray oo aad ku jirto. Dadku xoolo ma'ahan meel lagu xarayn karo, aqoonsibaa soo socdana way ogyihiin inaysan waxba ka jirin laakiin daruufta yaa ku khasabtay inay been mashxaradaan. Mushkiladda waxay ka jirtaa koonfurta oo jacaylka xukunku ku batay ayagoon nabadna haysan, waa intaa kaliya waxa labada shacab oo walaalaha ah kala hortaagan. Taas been kama sheegayo anigaa kaaga xog ogaalsan, ama rag iska celin yaa ku been legaday. Mida kale Adigoon qofna caayin iyo beel wax ma sheegi kartaa? mise waa caado aan laga maarmi karin? Lol... Gooni, waxaad soo niic tiraahdidba maanta ayaa soo qortay hadal macquul ah. Tollow ma Quule fresh ah baad kusoo quraacatay saaka, waa iga su’aale? Calaaya kuli xaal, anigu walaale, Ina Cawil Mucjiso kumaan sheegi lahayn xag jir. Waayo waa bakhti qurbaha ku gaboobey oo kombiyuutar wax lagu qoro moodey inuu Soomaaliya ku kala goayn karo. Shiid, fooqul shiid, iga dheh! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted March 12, 2020 18 hours ago, Oodweyne said: Tillamook, Waxaan ku odhan: "Ma Gudboona Geesiga Hantiyey Iyo Gocorka Guuldareystey". Taasina waa ta keentay in aad sidii Salaan Carabey yidhi aad noqoto nin ku sifoobey sadar nuxur miidhan ah oo ku jirtey gabaygiisii dheeraa. Sadarkaas oo ahaa: "Hadaad hiil hinaastey aadse itaal u weyday, ma afkaad ku ciil bixi ileyn cidlaad ka hanjabeysaaye". Markaa mar hadaad tahay nin dhulkii uu lahaa laga qaadey oo Puntland laga qaadey, oo waliba laga eryey oo maanta aan Laas-Caanood aan tagi karin isaga oo "calanka tawxiidka ku qoran yahay" ee Somaliland leedahay hoos jooga mooyee, maxey kuu tari "riyadda siyaasadeed" ee ah Somaliland lagama goyn karo Somalia, mar haddii aan adiga, shakhsiyan, taladeeda arintaasi aaney gacantaada ku jirin. Aadna tahay nin loogu taliyo degaankiisii uu kasoo jeeday. Lol... Your silly mentality and churlish rebuttal is no different from the silliness exhibited by an estranged wife, who—because she is mad with her significant other—locks herself away in one small bedroom of her husband’s spacious mansion, often shouts threateningly that, he dare not come near her nor even bother to come close to his billiard room—which just so happens to be adjacent to the small room she is cooped up within. I do grant you this, Oodka....Las Canood does find itself in the unfortunate predicament of being in a similar situation as that Billiard room mentioned heretofore. However what is even sadder are the hapless, helpless and hopeless secessionist who act and think like that estranged and disaffected wife mentioned in the above scenario. Just as she fails to see the futility of her madness—after all, in actuality, the whole damn mansion belongs to her and there is no need to only sequester herself in one wing of the house—you, too, Oodweyne, fail to see that the whole of Somalia belongs to you and your progeny. So, as I charitably look down you all as objects of pity, I wish to urge you guys to overcome your effeminate insecurities and Laangaabnimo; and bring that blessed “calan” of yours, oo aad Tawxiidka barakeysan ku masawirteen to fly over the whole of Somalia, just as some of your estimable grandparents had done previously with the glorious Bluugle, , instead of miserably and endlessly sulking about and locking yourselves away in one small corner of the country. I know that this does entail some high risk for your lot, but I’m sure the inexhaustible audacity of our Somali forbearers still runs in your veins. Let Somalia and other Somalis once again become proud of their Northern sons and daughters. With that, I think I have said enough for today to cajole you to do the right thing. But if that fails by way, of carrots and then I gots plenty of stick to you lay upon you for the useless secessionists you are, so habrayahow aanu saddex-da ku qabno... ordaha aqalkiina maamusha oo dadkiina dhinac ka raaca. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 12, 2020 Gooni, gacan ayaa kuu taagay how you lower yourself into the lowest ebb of boosaneero where this rat creature scavenges on. Maxaa iskugu wasaqeysaa with this qurun, widaayoow? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 12, 2020 Mar Kale Midnimo's latest post: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2020 Walanweyn and their hope. Somaliland uniting with Somalia. In what world do these maniacs live in. There is a bigger chance Kenya taking over Somalia than we sharing land with you lot. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 2, 2020 Run kugu mudduci ah laga ma raysan karo. Marka la soo qaado in laga hadlo midnimo kale oo cusub oo Waqooyi iyo Koonfur ah (Somaliland iyo Soomaaliya), dad badan oo reer Waqooyi ahi waxa ay la soo boodaan, "Ma meeshii baad inagu celinaysaan (Koonfur)?. Dadkaasi waxa ay haaraamaan midnimadii 1960, waxa aanay qabaan in Koonfuri dulmiday Waqooyi, cadow na u tahay. Qaar kalena waxa ay isku qanciyaan in Daarood qabiil la yidhaahdaa uu Waqooyi burburiyey 1988 iyo sannadihii ka horreeyey ama ka dambeeyey. Labadaas yeedhmo ba waxa ay iigu muuqdaan khalad marjuuc ah oo la buunbuuniyey oo beeni ka buuxdo. Ma jirto oo caddaymo ku filan loo ma hayo meel ay Koonfuri ku duudsidey ama ku dulmiday Waqooyi. Midnimadaas 1960 waxa khaladka ugu weyn naftooda ka galay waa Reer Waqooyiga laftiisa. Waayi Reer Waqooyi waxa ay la tageen Muqdisho 1960 talo la'aan iyo qorshe xumaan ku aaddan midnimo oo waxtar leh oo ay galaan. Mushkiladda iyo khaladka dhacday ma ahayn midnimada ee waxa uu ahaa sidii xumayd ee dawladnimadii carjawda ahayd loo maamulay, maamul xumadaas oo Waqooyi iyo Koonfurba isku si saamayn xun ugu yeelatay. Waxa maamul xumada ka mid ahaa in awood qaybsi maamul oo tayo leh aan la samayn. Taas bilowgii hore waa lagu eedayn karaa xukuumaddii curdinka ahayd oo jagooyinka sarsare ku koobtay dhinac qudha (Koonfur) oo aan tixgelin siinnin qolyihii midnimada keenay (Waqooyi). Xukuumaddii Cabdirisaaq X. Xuseen, Ahun, reer Waqooyigu waxa ay noqdeen hijiinkii dhaqaajinayey xukuumaddiisii. Wasaarado dhan oo ay ka mid ahaayeen waxbarashada, Warfaafinta, Arrimaha dibedda iyo saraakiisha ciidamada (bilays iyo milateti ba) waxa ka dhex muuqday xubno reer Waqooyi ah oo aqlabiyad ah, karti iyo hufnaanna muujiyey. Markii dambe na, xukuumaddii Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ahun, waxa raysal wasaare ka noqday Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Ahun. Xilligaas xukuumadihii rayadka ahaa ee taagta darnaa tabasho kasta oo jirtey oo reer Waqooyigu tirsanayey, haddana, waxa dhinac yaalley saamayntaas iyo doorarkaas ay reer Waqooyigu xukuumad kasta ku lahaayeen. Markii uu afgembiga ciidamadu waddanka ka dhacay 1969, waxa saraakiisha inqilaabka dhigtay ahaayeen 25 sarkaal. Sagaal ayaa reer Waqooyi ahaa. Waa tiro ka badan 1/3. Waxa saraakiisha reer Waqooyi ka mid ahaa rag saamayn ku lahaa maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Madaxweyne ku xigeen buu ahaa Ismaaciil Cali Abokor. Sagaalkaas sarkaal waxa ay kala ahaayeen: Ismaaciil Cali Abokor Maxamed Cali Shire Axmed Saleebaan Dafle Axmed Xasan Muuse Muuse Rabiile Good Maxamed Caynaanshe Axmed Maxamuud Faarax (Laxwas) Faarax Wacays Dhuule iyo Jaamac Maxamed Qoorsheel. Inta mootan Ahun. Waxa tan soo raacaya in reer Waqooyigu ay ahaayeen hijiinkii wax ka dhaqaajinayey horumarkii hanqalka la soo kacay ee Soomaaludu ku tallaabsatay 1969 - 1976 ee markii dambe la jincintay ee Maxamed Siyaad Barre dib u cunay. Isirradani waa muuqaallo iyo sawirro dhab ah oo beeninaya yeedhmada ah "Reer Koonfureed ayaa dulmay Reer Waqooyi". Horumar haddii uu jirey waa la wada qabey, dibudhacyada na waa loo sinnaa, dawladnimada na waa la wada lahaa. Sheegashada kale ee ah Daarood baa Isaaq waxyeelay waa sheeko raqiis ah. Maxamed Siyaad Barre haybtiisu uma qoollaan karto wixii uu ku sameeyey meeqaamkiisii madaxweynennimo ama gefafkii uu taliskiisii galay. Sababta oo ah, magaca wax lagu dhimay ma ahayn magaca reerka uu madaxweynuhu ka soo jeedey ee waxa lagu galay magacii iyo awooddii la wada lahaa ee qaranka Soomaaliyeed oo laga wada tirsanaa, lagu na takrifalay. Sabab kale na waa in taliskaasi Daaroodka laftiisa qaybo ka mid ah birta uu ka aslay oo gumaaday, isaga oo aan wax teello ah u dhigan. Taliskassi ciddii xukunkiisa diidda ee ka hortimaadda uma aabbo yeeli jirin, Dir iyo Daarood kii ay noqdaan ba. Ma jirto oo lama hayo meel inta uu Daarood ku shiray ku go'aansaday in Isaaq la gumaado. Waa xaqiiqo kale. Dadkii halgamayey ee Maxamed Siyaad xukunkiisa ka horjeedey (SSDF, SNM, USC iyo SPM) waxa ay ahaayeen oo ka mid ahaa Reer Koonfureed iyo Daarood. Waa xujo kale oo beeninaysa yeedhmooyinka Reer Koonfureed ama Daarood ayaa waxyeelay Reer Waqooyi ama Isaaq, ee dadka qaar ku andacoonayaan. Soomaali oo qoys ah baa maamul xumo dawladeed haleeshay oo ay adhaxda ka jebisey. Soomaali oo qoys ah baa colaado iyo dagaallo sokeeye naafeeyeen oo shufbeel qarka u wada saarantay. Maanta markii ay muuqatay in laga soo kabanayo hagardaamooyinkaas oo in qoyskii uu wada hadlo, oo heshiiyo, waxna wada yeesho, loo hanqal taagey, in yeedhmooyinkani bataan oo soo baxaan, wax kale ma aha ee "halaq baa ku raad gadanaaya". Waxa la doonayaa in lagu marin-habaabiyo runta iyo baahida jirta. Mudnimaan mar kale doonayaa aan u meel dayo. Fiiro Gaar ah: Qof kasta oo aflagaaddo muujiya ama mawduucan ka baxaa xaq uma yeelan doono in uu halkan ka sii mid ahaado. Dood waxa lagu gudbaa dood kale, si wax loo kala dheefo. Qudh, qabiil iyo qaran toonno lama aflagaaddayn karo. Sawirka waxa ragga Maxamed Siyaad ku weheliya ka mid ah: Ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ibraahim Maygaag Samatar. In ta mootan Ahun. M.FACEBOOK.COM Run kugu mudduci ah laga ma raysan karo. Marka la soo qaado in laga hadlo midnimo kale oo cusub oo Waqooyi iyo... Quote Share this post Link to post Share on other sites