Deeq A. Posted March 10, 2020 Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi oo dhowaan lagu sameeyey dib u dayactir. Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Khayre ayaa si rasmi ah u daah-furay garoonka Baraawe, gaar ahaan qeybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan ee (Run Way) oo si casri ah loo dhisay. Sidoo kale waxaa munaasabadda xarig jarka ku sugnaa wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona gudaha magaalada la dhigay ciidamo dheeraad ah. Baraawe ayaa ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ay ku taallaa dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites