Sign in to follow this  
faysal awcabdi

Gabay ku saabsan jaadka

Recommended Posts

GABAY JAADKA

GABAYGAN GAABAN OO KU SAABSAN JAADKA IYO DHIBAATOOYINKA

UU U LEEYAHAY BULSHADA IYADA OO AAN LAGU DHAMAYS TIRI

KARIN HAL GABAY AMA HEES IYO BURAANBUR TOONA AYAAN BAL

WAXA AAN ISKU DAYA YAA IN AAN JALEECO YAR KA TUSO DHALIN

YARADA HADA JOOGTA OO AAD MOODO IN AY SI AAN LAQIYAASI

KARIN U QAYILAYAAN HADABA ANIG OO AH FAYSAL AW CABDI

CANBALAASH GABAYGANA SAMEEYAY SANADKAN LABADA KUN

BISHII KOOWAAD SHAN TEEDII BAL ILA EEGA.

GABAYGU WAXA UU KU BILAABMAYAA SIDAN

 

• JALBEEBTIISA GABAY WAAYADAAN WAANIGII JARAYE

• HADBA ANIGA OO JOOJIYAY WAX IJUJUUBAANE

• AAN JAREEYO CAWANA TIXDAY JIRRATAY LAABTAYDU

• NAF JECLAATAY INAY JAAD CUNTAA WAY JIRABANTAY E

• JIDIIN KUU KA GOOYIYO CUNTADA YUU KA JARAYAAYE

• QAADIRADA JOOGTADA AH BAY INDHUHU KULA JANJEEDHAANE

• BEEN LAGU JALBEEBTIYO XAN BUU KUU JIDEEYAAYE

• DHANKASTOOD JALEECDONA MALAHA JAAWO IYO KHAYRE

• INTA UU DHIB JAAD LEEYEHEE KUMANKA JAADJAAD AH

• HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO

• INTA UU NIN JIIDH WAYN LAHAA JARAY ARWAAXIISA

• AMA JEES KU BAABA,AY INTUU JAADKU SALABEEYAY

• JAGAAGACA KABADAN SHEEKADAAN JEEBKA KUHAYAAYE

• INTUU WIIL JAHADA SEEJIYEE DAYOW LA JIIFTAANTAY

• AMA JIIFTA WAADHKEE KUXIDHAN JEELASHA MAGNUUNKA

• AMA GABADH JAMAAL QURUX SAMAYD GEERASH YADA JOOGTA

• AMA SODOH INTAY JAAD BAREEN JIQILKA UUN TIIRIN

• AMA KUWAN DHEX JOOGUUN XABAAL JAADKA LAGU IIBSHO

• OO U KAYDSHA JEEGABA INAY JAAD KU BIXIYAAN

• JIRAY LACAG KU IIBSANAHAYAAN JAAHIL WAYAGA E

• INTA UU DHIB JAAD LEEYEHEE KUMANKA JAADJAAD AH

• HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO

• JAYNAF IYO WUXUU KUGU RIDAA DEBINJAB XOOG WAYN

• JURUF IYO UR AAN KAA HADHIN OO JAADKU KUGU REEBO

• JEEBADAADA UUMADHIYO IYO DAYNKA JOOGTADA AH

• DANTAADOO UUKAA JEEDIYIYO CAAJIS KULA JOOGA

• BARYO JILICSAN GACAN HOOS JIRTIYO DAWARSIGAA JAAN

• QAJILAADA UU KAAJARIYO JIXINJIX KAA GUURA

• MURAN JAXARA BUUQ AAN LAJARIN IYO JAGUUGNAANTA

• QOFKII JUUQ YIDHAAHDABA LAHADAL QAYLO KU JAWAABKA

• INTA UU DHIB JAAD LEEYAHEE KUMANKA JAADJAAD AH

• HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO

• WAXAAN TALO USOO JEEDINLAA JAALAYAAL BADANE

• WAYDINKAAN JICIIRTEE LIBDHEE JOOGIN EE TAGAYE

• JAAHIINI WAXA UU KA DHIGAY JOONYAD OO KALE E

• ISKA JOOJA GEEDKAAN JINEE JIITAY NOLOSHIINA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this