Deeq A. Posted March 9, 2020 Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay, Wefti uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan. Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland. Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadidoonaan taageerada dhanwalba leh ee ay ka taageerto Dowladda Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites