Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo Muqdisho ka dejisay wasiirkii maamulka Jubaland ee isu soo dhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo laga soo qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Cawar, oo Sabtidii isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in wasiirka diyaarad gaar ah ay gobalka ka soo qaaday islamarkaana ay gacanta ku haayaan hay’adaha ammaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirkaan oo kamid ahaa masuuliyiinta horkaceyso dagaalkii Jubaland ee gobalka Gedo ayaa khilaaf uga soo tagay madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka amniga Jubaland, kuwaas oo ku sugan qayba kamid ah degmada Mandheera ee gudaha ee gudaha Kenya.

Xubno xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in wasiirka uusan xor aheyn islamarkaana diyaarad gaar ah lagu soo qaaday, waxaana la sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaano marsiin doonto.

Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin wasiirka isu soo dhiibay hase yeeshee maamulka gobalka Gedo waxay warbaahinta u sheegeen in wasiir Cawar uu isu dhiibay maamulka iyo ciidamada ammaanka.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu iska soo dhiibay halka loo yaqaano Suufka ee Itoobiya xigta, ka dibna loo soo gelbiyay Degmada Doolow, oo iyana looga sii gudbiyay dhinaca Degmada Beled Xaawo.

“Suufka oo dhanka Itoobiya ah ayuu iska soo dhiibay. Doolow Somaliya ayaa loo soo gudbiyay, Salaaddii Maqribka ayaana loo kaxeeyay Degmada Beled Xaawo,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this