Sign in to follow this  
Deeq A.

Guardafui: Laba gabdhood oo ku geeriyooday ceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Caluula ee gobolka Guardafui, waxaa maanta lagu aasay laba gadbhood oo da’yar ah, kuwaasi oo shalay ku geeriyooday ceel ay ku dhaceen.

Weriye ku sugan degmada Caluula, oo Puntland Post u xaqiijiyay geerida labadaasi gabdhood, ayaa sheegay in ay gelinkii dambe ee shalay ku dhaceen ceel dad-liq ah oo ku yaalla nawaaxiga degmadaas.

Labada gabdhood oo da’dooda lagu qiyaasay inta u dhexaysa 10-12 sano, ayaa la sheegay in waalidkood xoola u dirsadeen, kadibna la waayay mudda saacado ah, balse markii dambe maydadkooda laga helay ceel halkaas ku yaalla.

PUNTLAND POST

The post Guardafui: Laba gabdhood oo ku geeriyooday ceel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this